Maamulka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo maanta kusoo bandhigtay 22 maleeshiyo oo ka mida Alshabaab ay shalay ciidamada Galmudug ku soo qabteen dagaal Bariga Gobolka Mudug ku dhex maray maleeshiyadii Alshabaab ee kas oo firxatay degaanka Garacad.
Maxaabiista ay ciidamada Galmudug oo bandhigeen ayaa gaareysa 22 maxbuus oo qaarkood ay yihiin caruur da’ yar, waxaana ku jira qaar waaweyn.
Dagaalka ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyada Alshabaab ee soo gashay degaanada Galmudug ayaa weli socda, waxayna wararku sheegayaan in saraakiishii hogaamineysay dagaalka ee Alshabaab ay ka mid yihiin kooxda u soo gudubtay Galmudug.
DAAWO SAWIRRADA MAXAABIISTA



