Waxaa si rasmi ah loo furayaa Garoonka cusub ee magaalada Istanbul, dalka Turkiga oo noqon doona kan ugu weyn Caalamka marka qeybta ka dhiman la dhameystiro dhismihiisa sanadka 2023.
Furitaanka Garoonka cusub ayaa lagu beegay sanadguurada 95-aad ee asaaska jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo uu xariga ka jaray doono madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee Turkiga ku gaarayo qorshaha casriyeynta dalkaasi ee 2023. Xafladda furitaanka Garoonka cusub ee Istanbul waxaa ka qeyb galay madax ka kala socota ilaa 50 dal oo dunida ah.

Waxaa dhismaha garoonka ku baxday lacag dhan 7.2 Bilyan oo doolar, wuxuuna leeyahay laba Dhabbe oo ay diyaaraduhu ku cararraan oo mid waliba dhererkiisu yahay 3,750 iyo 4,100 mitir, iyadoo xilligan ay sanadkii ka dhoofi doonaan 90 milyan oo qof. Wuxuu awood u leeyahay in la dhigo diyaarado gaaraya 347, halka baabuur gaareysa 18-kun ay markiiba istaagi karaan goobaha loogu talogalay.

Marka dhismaha garoonku dhammaado 10 sano gudahood wuxuu u adeegi doonaa 200 milyan safarrey ah, halka uu yeelan doono 8 Dhabbe diyaaradeed, isagoo markaas noqon doona kan ugu weyn caalamka oo labalaab ka weyn garoonka hadda ugu weyn dunida ee Hartsfield-Jackson ee gobolka Atlanta, dalka Mareykanka.







