Haweenka ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa bannaanbax nooc cusub ah ka dhigay magaalada Muqdisho.
Bannaanbaxa oo lagu xusay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso, waxaa ka qeyb galay haweenka askarta ah ee ciidamada AMSOM sida milateriga iyo Booliska.
Bannaanbaxa ayaa la sheegay inuu ahaa bandhig ay isku barbar taagayeen haweenka Soomaaliyeed ee xaaladda amni darrada ku nool iyo guud ahaan haweenka adduunka.
“Nabad ilaalin lama sameyn karo haween la’aantood, maxaa yeelay haweenka ayaa ah kuwo u dhow dadka, waxayna la tacaali karaan arrimaha haweenka, haweenku waxay leeyihiin il qarsoon oo ay xaaladda ku qiyaasi karaan kuna fahmi karaan waxa socda…” ayay tiri kaaliyaha booliska AMISOM Judy Lamet oo u dhalatay Kenya.
Ku xigeenka madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto oo banaanbaxa hogaamineysay ayaa sheegtay inay taageereyso kordhinta tirada haweenka nabad ilaaliyeyaasha ah ee milateriga iyo Booliska ka mida.
Wadani.com