Dadweyne, waxgarad iyo qeybaha Bulshada ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne si diiran ugu soo dhoweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.
Xubnaha socdaalkiisa ku wehliyay waxa ka mida gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono, Xildhibaan Nuur Iidow Beyle iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Maxamed Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo xubno kale.
Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa aad uga mahadceliyay sida ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa waxana uu sheegay in uu xalin doono maamulkiisa dhibaatooyinka ay tabanayaan bulshada gobolka Hiiraan.
DAAWO SAWIRRADA
Isha: Hirshabeelle.com