Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Eritrea Isaias Afwerki ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Atse Tewodros eeĀ magaalada Gondor dalka Itoobiya.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa labada madaxweyne ku marti qaaday kulanka saddex geesoodka ah ee labaad oo ay ku yeelan doonaan caasimadda Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, isagoo kala gaara ugu soo dhoweeyay labada hoggaamiye.
Abiy Ahmed oo ku lebisan Khamiis cad iyo Maro cas ayaa soo dhoweyn u sameeyay madaxweyne Farmaajo isagoo uga hortegay garoonka magaalada Gondor, waxaana kadib saddexda hoggaamiye ay yeesheen kulan hordhac ah.
DAAWO SAWIRRADA