Madaxweynaha maamulka Puntland oo dalka Itoobiya ku soo bilaabay soo noqosho la filayay inuu Garowe ku soo laabto ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya, isagoo ka codsaday inay maamulkiisa siiyaan taakuleyn saanad ciidan ah iyo tababar ay u sameeyaan ciidamada maamulkiisa si ay isaga celiyaan kooxda Alshabaab oo ku soo duushay degaano ka mida maamulkiisa.
War ka soo baxay Madaxtooyada Putland oo saxaafadda loo qeybiyay ayaa u qornaa sida soo socota:
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa saraakiishaasi ciidan waxa uu kala hadlay sidii ay Ciidanka qalabka sida ee Puntland ay gacan uga siin lahaayeen dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee Puntland duullaanka kusoo qaaday kuwaas oo doonaya in ay isku fidiyaan geeska Afrika.
Madaxaweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha kala hadlay muhiimadda ay leedahay Puntland iyo Itoobiya in ay iska kaashadaan is dhaafsiga xogaha la xidhiidha kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasiloonida gaamurtey ee ka hanaqaaday Puntland iyo Itoobiya, maadaama ay jirto xuduud dheer oo ay wadaagaan Puntland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay isaga filantahay cid walba oo isku dayda inay khalkhal nabadgelyo darro ka abuurto Puntland isla markaana aanay jirin baahi loo qabo keenitaanka ciidamo shisheeye balse ay ciidanka Puntland u baahan yihiin in lagala shaqeeyo dhinacyada Tababarrada iyo taakulaynta ciidanka.
Saraakiishaasi ciidan ayaa ballanqaaday Puntland inay kala shaqaynayaan wixii tababar ciidan iyo taakulayntooda la xidhiidha ee Puntland ay uga baahan tahay Itoobiya, isla markaasina ay diyaar u yihiin in Puntland iyo Itoobiya ay kawada shaqeeyaan dhinacyada isdhaafsiga xogaha cadowga burcad diimeedka ah, kaas oo ah cadowga keliya ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Itoobiya.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.