Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanak Turkiga ee magaalada Ankara.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Ismail Kahraman iyadoo lagu soo wareejiyay qeybaba dhismaha ka kooban yahay, isla markaana lagu casuumay inuu fariisto goobta laga guddoomiyo Baarlamaaka dalkaasi.
Farmaajo oo muddo saddex maalmood ah uu qaadan doono socdaalkiisa ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Ordogan, waxaana la filayaa inay heshiisyo dhowr ah kala saxiixdaan.
DAAWO SAWIRRO