Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay dalka Jordan ayaa la kulmay Boqorka Jordan Boqor Cabdalla.
Kulanka hoggaamiye ayaa barbar socday shir madaxeedkii Carbeed, waxaana looga hadlay xiriirka labada dal iyo sii hormarinta iskaashiga.
Boqorka Jordan ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Farmaajo doorashadii xilka madaxweyne ee Soomaaliya, isagoo balanqaaday in Boqortooyada Haashimiyada ee Jordan si dhow ula shaqeyneyso dowladda cusub ee Soomaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Jordan iyo Soomaaliya.
SAWIRRO