Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Puntland oo Garowe ku soo dhoweeyay Guddoonka labada Aqal

    DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Puntland oo Garowe ku soo dhoweeyay Guddoonka labada Aqal

    October 24, 20173 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe, ayaa  Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya ku soo dhoweeyay Garowe.

    Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Jawhar kaga qayb galay xafladda caleema saarka Madaxweynaha Hir-shebelle  ayaa markii ay soo gadheen Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha golaha wakiilada dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, iyo boqolaal shacabka magaalada Garoowe.

    Madaxweynaha dawladda Puntland oo hadal kusiiyey warbaahinta qasriga  Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in ay shacabka reer Puntland iyo dawladdooduba ku faraxsan yihiin imaanshaha Puntland Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in ay berito oo ay taariikhdu tahay 25 October2017 ka qayb gelioonaan kal fadhiga 40-aad ee Golaha wakiilada dawladda Puntland.

    “Sharaf weyn bay nootahay inay Puntland yimaadaan Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba ay beritona ka qayb galaan furitaanka kal fadhiga 40-aad ee golaha wakiillada dawladda Puntland, runtii waa markii ugu horeysey oo ay Puntland yimaadaan ka qayb galaan kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    “Waxay taasi ka turjumaysaa horumarinta fadaraaliisamka Soomaaliya ay qaadatay in Baarlamaanada dalku ay yeeshaan xidhiidh gaara, inay isasoo booqdaa, inay isu yimaadaan, inay wada shaqeeyaan, ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo samaynta shuruucda dalka ay wax iskaga og yihiin waxa lawada leeyahay oo Soomaali kawada dhexeeya inay noqoto ayaan rabnaa oo lawada shaqeeyo, kusoo dhowaada dalkiinii meel kale maydaan tegine Soomaaliya meel kamida oo laydin ka jecel yahay ayaad timaadeen “ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dawladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa shaaciyey isagoo ku hadlaya afka golaha in ay aqbaleen gogosha wadatashi ee uu fidiyey Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

    ” Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu  isugu nimaadno xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inaan aqbalay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah”ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa dhankooda ka mahad naqay soo dhoweynta balaadhan ee ay ku qaabileen shacabka magaalada Garoowe iyo masuuliyiinta dawladduba, waxaana ay tilmaameen in Puntland ku talaabsatay horumar lixaadle, Soomaaliya oo dhanna ay u tahay hormuud iyo tusaale dhaba, isla markaana waxa ay si wada jira ugu baqeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.

    SAWIRRO

     

    Cabdi xaashi Gaas Garowe Jawaari Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Mahad Salaad oo ku hanjabay inuu soo bandhigayo Xog cusub dadkii ku dhintay Qarixii Zoope
    Next Article Ismaaciil C. Geelle: “Waxaanse idiin caddeynayaa inaysan Jabuuti idin fiirsaneyn caddowga Alshabab” [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo