Toogashada ayaa ka dhacday xarunta dhismaha Wargeyska Capital ee magaalada Maryland Maraykanka, waxaana nin hubeyan uu halkaasi ku ku dilay 5 qof, isagoo dhawacay dhowr qof oo kale.
Ninka weerarka qeystay ayaa magaciisa lagu sheegay Jarrod Ramos, waana 38 sano jir hore dacwad ku saabsan sumcad duk ugu soo oogay wargeyska, kana guuleystay, isagoo adeegsaday qori iyo bambooyin.
Weriye meesha joogay ayaa sheegay in qof hubaysan uu dadka ka toogtay muraayada dhismaha. Shir jaraa’id oo maamulku ay qabteen ayaa lagu sheegay inay dhacday toogasho galabnimadii Talaadada waqtiga Mareykanka.
Boolisku waxay sheegeen inaysan sheegi karin nooca hubka la isticmaalay.Waxayna intaasi raaciyeen in qofka laga shakisan yahay ay boolisku baaritaan ku hayaan. Waxaana baaritaanada socda ka qaybqaadanaya hay’adaha amaanka oo FBI ay ka mid tahay.
Wargeyskan la weeraray ayaa ah jariirad maalinle ah kana tirsan warbaahinta Capital Gazzete
.