Ninkii ku caan baxay bannaankii “Aryaa ii geeya Famaajo” ee wacdaraha ka dhigay magaalada Jowhar ayaa caawa loo suurageliyay in loo geeyo Madaxweynaha la doortay ee Farmaajo.
Ninkan oo ku magac dheer “Daanyeerow” laguna magacaabo C/llaahi Maxamuud Cusmaan ayaa maanta soo gaaray Muqdisho isagoo la geeyay Hotelka Jazeera ee uu degan yahay madaxweyne Farmaajo, waxaana caawa fiidkii uu la kulmay madaxweynaha.
C/llaahi Daanyeerow oo ka mida barakacayaasha Jowhar ku nool ayaa qabsaday baraha ay bulshadu ku xiriirto kadib markii habeenkii la doortay uu soo bandhigay dabaaldeg nooc cusub ah oo dadka soo jiitay.
Riyadii ayaa caawa u rumowday, waxaana ugu danbeyn uu la kulmay Madaxweynaha la doortay ee uu ku naadiyay in loo geeyo waxaana arrintan oo dhan ka dambeeyay baraha bulshada isku xira oo kooxda Farmaajo ku badan tahay.
DAAWO SAWIRRADA





Wadani.com

