Sawir qaadayaal ka tirsan wakaalada wararka Reuters ayaa u suuragashay inay tagaan magaalada Mosul, gaar ahaan halkii uu ku yiilay masjidka Al Nuri ee todobaadkii hore kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ay burburiyeen masjidkaasi oo ka mid ahaa goobaha taariikhiga ah ee dalka Ciraq caanka ku yahay.
Muuqaalada ayaa muujinaayo in mindhaaradii masjidka oo caan ku aheyd inay qaloocneyd ayaa gebi ahaanba dhulka la dhigay, sidoo kalena dhismihii kale dhismooyinkii kale ee masjidka sida hoolkii lagu tukanayay oo ahaa mid aad weyn iyo qeybta kale ee micraajka ayaa dhulka la dhigay.
Kooxda ISIS ayaa bubrurinta masjidka u adeegsaday miinooyin ay ku xireen, waxaana la xusuustaa in masjidkaan oo jira 850 sano bishii July 2014-kii inuu kasoo dhex muuqday Hoggaamiyaha dowladda islaamiga IS Abu Bakr al-Baghdadi.
Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa hadda la wareegay deegaanka uu ku yaal Masjidka, inkastoo dadka shacabka ka qaxeen.