Qasaare ba’an ayaa ka dhashay dab ka kacay caawa suuqa weyn ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho, kadib markii suuqaasi dab qabsaday kaasoo ku faafay qeybo ka mida suuqa oo ku bas beelay dabkaasi.
Dukaamo, Bakhaaro iyo macdaaro suuqa ku yaalay ayaa dabku baabi’iyay iyadoo meelaha aanu dabku gaarin loo shegay inay kala baxaan hantidooda, waxaana dabka la tacaalaya dowladda hoose ee Muqdisho dab damisyo fara badan iyo dadweyne isu soo baxay.
Qasaaraha ayaa dhamaanteed ah mid hantiyeed iyadoo ilaa hadda aanay jirin dad wax ku noqday.
HOOS KA DAAWO SAWIRADII UGU HOREEYAY EE DABKAAASI
Wadani.com