Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’Rake ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska xarunta dhismaha Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairoobi oo dood dheer oo maxkamadeed kadib dib ugu soo laabatay gacanta dowladda Soomaaliya.
Munaasabdada dhagax dhigista dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi waxaa  goobjoog ahaa ahaa wasiirada qorsheynta iyo iskaashiga Cabdiraxmaan Ceynte, arrimaha gudaha  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Shiikh Cali Diini. iyadoo wafdiga Ra’iisal wasaaraha uu ku biiray  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Waxaa halkaasi ka hadaly Ra’iisal Wasaare Sharmaake oo sheegay  in dadaalkii dheer loo galay soo dhicinta dhismaha safaaradda Soomaaliya dalka Kenya oo ay heysteen ganacsato u dhalatay dalka Hindiya.
Dib u dhiska safaarada ayaa lagu wadaa inuu waqti dheer qaato.
DAAWO SAWIRADDA








































Wadani.com

