Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Markab dagaal oo taagan Xeebaha Muqdisho.
Waxaa markabka geysay diyaarad Helicopter ahoo ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho. Kulan ka dhacay Markabka dushiisa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Verinique Lorenzo, Taliyaha Howlgalka ATALANTA iyo Saraakiil kale.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.
“Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre.
SAWIRRO