Ergeyga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa bartiisa twitterka soo dhigay farriin ku saabsan kulamo aad u kulul oo la isku xiiqay, kuwaasoo dhex maray Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u saaray dib u eegista heshiiska Doorashada 2016 iyo wakiilada Beesha Caalamka.
Ergeysa oo qiray in shirarka ay yihiin kuwo aad u adag ayaa dhinaca kale diray farriin ku socota siyaasiyiinta isagoo sheegay in looga baahan yahay inay danaha dadka Soomaaliyeed ka hor mariyaan wax waliba.
Shirka waxaa ka dhex muuqda Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye ku xigeenadiisa iyo xildhibaanada Guddiga.
DAAWO SAWIRRADA
Wadani.com