Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu soo dhowweyay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga.
Safarka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu dalka uga baxo, waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ku soo dhoweeyay madaxda hoos ku qoran:
Madaxda Boqortooyada Sacuudiga ee soo dhoweysay madaxweyne Farmaajo waxaa hor kacayay Amiirka Gobolka Riyaad AMiir Feysal Bin Bandar Ibnu C/casiis, Wasiiru dowle ka mida Golaha wasiirada Boqortooyada Musaacid Bin Muxamed, xoghayaha Gobolka Riyaad Ibraahim Maxamed Suldaan, Safiirka Sacuudiga u fadhiya dalka Kenya iyo Soomaaliya Muxamed C/Qani.
DAAWO SAWIRRO
Waxaa kaloo madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay Garoonka Riyaad safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo isagu qabanqaabiyay safarkan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isla markiiba kulan qado la qaatay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, iyadoo ay wehliyeen wasiirka arrimaha dibadda iyo saddex la-taliye oo madaxweynuhu watay.
Wadani.com