Ugaasyadii ugu danbeeyay ka horjeeda shirka Jowhar kuna sugnaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku biiray shirka Jowhar.
Ugaasyadan oo Muqdisho yimid ayaa maanta tegay magaalada Jowhar, waxayna kala yihiin: Ugaas Cali Ugaas Muxumad Shafeec oo ahaa afhayeenkii duubabka Hiiraan iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Raage oo labaduba ahaa duubabkii ugu danbeeyay ee ka maqnaa shirka Jowhar.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaliya mudane Cabdirxmaan Xuseen Odawaa ayaa Ugaasyada soo dhoweyn u sameeyay, kuna qaabilay Xarunta Maamulka Gobolka ee magaalada Jowhar.
Duubka kaliya ee ku haray magaalada Beledweyne ayaa hadda ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isna la sugayo inuu tago magaalada Jowhar.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com