Gudoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha wado cusub oo loogu magac daray Jenaraal Kaahiye.
Wadadda oo ay dhismaheeda iska kaashadeen maamulka G/Banaadir iyo Degmada Xamar jajab ahaa lagu dhisay muddo laba bilood ah, waxayna ee isku xirta Xarunta Tababarka ee Booliska iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Munaasabadda furitaanka jidkan cusub waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benaadir, Gudoomiyaha Degmada XamarJajab, Agaasimayaal iyo qaar ka mida Shacabka Degmada Xamarjajab.
SAWIRRO