Dhismaha wejiga koowaad ee Jidka Soddonka magaalada Muqdisho ayaa dhowaan la soo gabagabeeyay.
Qeybtan ayaa ahayd masaafadda ku aadan degmada Hodon, waxaana la dhisay inta degmada Hodon ka leedahay wadadda 30-ka.
Agaasime ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa sheegay inay maamulka degmada Hodon ku wareejiyeen qeybta ay dhiseen, loogana baahan yahay inay ilaaliyaan nadaafadiisai iyo bed-qabkiisa .
Guddoomiyaha degmada Hodonb Maxamed Axmed Cantoobo ayaa dhinaciisa inay ka shaqeyn doonaan nadaafadda laamiga cusub, isla markaana qorshaha ay ug jirto sidoo kalena dhireyn ku bilaabi doonaan.
Waxaa weli soconaya dhismaha guud ee wadada Sodoonka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah waddo aad ugu muhiim ah marinka dadka shacabka ah.
DAAWO SAWIRRO