Xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo lagu gadaamay dhagxaanta shubka ka sameysan ee looga hortago weerarada qaraxyada Al-Shabaab ka fuliso xarumaha dowladda.
Shalay iyo maanta ayaa la dhigayay dhagxaanta shubka ka sameysan afafka hore ee xarunta baarlamaanka, sidoo kalena waxaa caro dhoob looga dhigay gidaarada baarlamaanka difaac adag.
Dhamaadka bishan ayaa lagu wadaa in xarunta baarlamaanka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee afarta sano soo socoto, iyadoo laga yaabo in la badalo goobta ay doorashada ka dhacayso.
jidka madaxtooyada hormara ayaa iyaduna amaankeeda la adkeeyay, iyadoo horay looga sameeyay askariga jiifa oo gaadiidka si xowli ah u mari karin, taasoo ah xeelad amaan.