Waxaa soo gabagaboobay diyaargarowga caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xafladda caleemosaarka ayaa ka dhaceysa isla xarunta Afisyoone ee lagu doortay madaxweynaha, waxaana guddiga qabanqaabada ay soo dhammeeyeen howlihii diyaargarowga.
Kaarar fara badan ayaa la bixiyay iyadoo boqolaal qof oo isugu jira mas’uuliyiin, dadweyne iyo marti sharaf kale ay ka qeyb galyaan xafladda.
DAAWO SAWIRRADA
Wadani.com