Madaxweynaha hadda xilka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee bilaaba ololaha doorashada
ee xilka madaxweynaha, waxaana kulan weyn oo beesha uu ka soo jeedo ee Muddulood ku yeelatay magaalada Muqdisho si weyn loogu taageeray in mar labaad la soo doorto madaxweynaha.
Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal dad ah ay ugu horeeyaan Duubabka Dhaqanka ee Beelaha Mudulood oo qabanqaaabada lahaa, ayaa lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaaladda Muqdisho, iyadoo ay maanta bandow ahayd qeybo ka mida degmooyinka Shibis, C/casiis iyo Kaaraan shirkan dartiis.
Kulanka ayaa socdday gelin dhan oo ka badan 5 saacadood, waxaana dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa: Ra’iisal wasarihii hore ee Soomaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)”, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo), Xildhibaan Prof. Cusmaan Xaaji Maxamuud (Dufle), Muuse Suudi Yalaxow, Guddoomiyeyyaasha Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir, Imaam Maxamed Yuusuf, Malaaq Cali, wasiiro, Xildhibaano iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay taageero buuxda oo ah in DIB LOO DOORTO XASAN SHEEKH.
Kulankan iyo ololaha uu bilaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo uu dhinaca kale musharixiinta iyo beelaha kasoo horjeeda u diiday inay shirarkooda u qabsadaan Hoteelada Muqdisho oo laga doonayo inay fasax ka qaataan wasaaradda Amniga Gudaha.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com