Xaflad lagu xusay sanadguurada 57-aad ee xornimada Soomaaliya oo ku beegan 1-da Luulyo ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xafladda oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Saqdii dhexe ayaa calanka la saaray xarunta Gobolka iyadoo salaan sharaf ay madaxda ka qaateen ciidamada.
DAAWO SAWIRRO