Shirkii shalay ku soo dhammaaday magaalada London ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay wafdigii ugu yaraa dhinaca xukuumadda iyo shaqaalihii ugu badnaa madaxtooyada Soomaaliya.
Wafdiga madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee shirka London waxaaku wehliyay saddex wasiir, laakiin waxaa ka badnaa shaqaalaha madaxtooyada ee London u raacay Madaxweynaha.
Sawirada hoose wuxuu muujinaya muuqaalka wafdifgii dowladda Federaalka ee shirka London, waxaase ka maqan wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo doorkiisu aanu muuqan, isla markaana aanay caddeyn sababta uu uga maqnaa xafladii gabagabada.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona UK C/raxmaan Ceynte ayaa sawirkan soo diray isagoo sheegay inuu hoggaaminayay kooxda Shirka London oo muddo laba bilood ah ay ku qaadatay. “Sharaf weyn ayay ii aheyd inaan hoggaamiyo kooxda diyaarinta Shirweynaha London. Dadaal 2 bilood socday kaddib guul ayuu ku dhammaaday” ayuuna yiri.
Wadani.com