Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray Magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Ra’iisal wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Qatar isagoo ka qeyb geli shirka sanadlaha ah ee Doha Forum oo madax kala duwan ay ka qeybgalaan, waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Madaxda dalkaasi.
Waxaa wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre soo dhoweeyay Garoonka caalamiga ah ee Hamad International Airport ee Doha ku soo dhoweeyay madax ka tirsan dowladda Qatar oo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar Suldaan Bin Sacad, sii-haya safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar Cumar Idiris.
SAWIRRO
Wadani.com