Guud ahaan magaalooyinka Somaliland ayaa waxaa ka bilowday imtixaanka guud ee dugsiyada Somaliland, waxaana ardayda imtixaanada u fadhiistay ay lasoo baxeen farsamo cajiib ah oo la mid ah kuwii ay ku dhaqmeen ardayda dugsiyada dalka Bangladesh.
Arrinta mucjisada ah ee lagu arkay arday Somaliland ee Imtixaanka u fadhiistay ayaa ah qishka casriga ah ee laga soo min guuriyay ardayda Bangaladhes iyo Hindiya, iyadoo iskuul dhan ardaydiisa oo adeegsanayay barnaamijka Whatsup-ka lagu qabtay, markii laga qaadayna taleefanada ay ka wada dareereen imtixaanka.