Soomaalida ayaa noqotay dad dunida oo dhan ku firirsan waxayna hadda goobjoog u noqdeen faragelinta ciidamada Senagal ku sameeyeen dalka Gambia.
Jaaliyad Soomaaliyeed ayaa magaalada Banjul ka soo dirtay sawirro, iyadoo qaarkoodna ay soo duubeen muuqaal kooban oo muujinaya ciidamada Senagal oo caasimadda dalkaasi gelaya, iyadoo u diray weriyaha VOA-da Harun Macruf.