Ciidamada Xooga ee Ilaalada Madaxtooyada ayaa maanta loo furay Tababar Ciidan, iyadoo ay ka qeyb galayaan ururka 60-aad ee ciidamada xoogga dalka.
Ciidamadan oo ka badan Boqol ayaa waxaa tababarka u furay Wasiirka Gaashaandhiga dowlada fedaraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana la sheegay in tababarka aya qaadaneyso Dufcadii 4-aad ee ururka 6-aaad.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya tababarkooda uu yahay muhiim, maadaama ay tahay xarunta hoyga Madaxda Dowladda Federaalka. Wuxuuna ciidamada ka dalbaday inay ka faaiideystaan.
Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ilaaliya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna helaan tababarro joogto ah.