Hay’adda Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa shaacisay in taliyahooda C/raxmaan Tuuryare uu dhiig u shubay caawa askar looga dhaawacay weerar ay koox la sheegay inay Alshabaab tahay ku qaadeen gaari ay saarnaayeen ciidamo NISA ka tirsan xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Barta twitter-ka NISA ayaa lagu shaaciyay sawirka taliye C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo sheegaya inuu dhiig ugu deeqay askartiisa.
Caawa ayaa weerar lagu gaari gaari ay wateen ciidamada NISA waxaa weerar xoog leh ku qaaday gaari kale, iyadoo askari looga dilay  weerarkaasi dhowr kalena ay uga dhaawacmeen.
Feeling Blessed!!! Donating blood for my Soilders, #Ramadan Kariim
Waxan dhiig u shubayaa dhaawaca askartayda #NISA pic.twitter.com/EsbDvA9nt5— NISA (@HSNQ_NISA) June 7, 2016
Wadani.com