Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»DAAWO: Tobanka Maalqabeen ee hantidooda ugu deeqay Arrimaha samafalka [XULASHADA]

    DAAWO: Tobanka Maalqabeen ee hantidooda ugu deeqay Arrimaha samafalka [XULASHADA]

    May 13, 2016Updated:May 13, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalqabeenada adduunka ee heysta lacagta ugu badan ayaa siyaabo kala duwan loo arkaa iyadoo dadka intooda badan ay u arkaan dad isla weyn badan oo hantidooda ku kibray, laakiin qaar ka mida ayaa sameeyay arrim lama filaan ah iyadoo hantidooda oo dhan ugu deeqay dadka baahan iyo hay’adaha samafalka.

    Toddobaadkan waxaa soo baxay video ku saabsan 10-ka maalqabeen ee xoolaha ugu badan heysta, kuwaasoo hantidooda ugu deeqay hay’adaha samafalka. waxaana Liiskaasi soo galay saddex maalqabeen oo carab ah.

    HOOS KA AKHRI LIISKA

    Zuckerberg

    Waxaa ka mida ninka asaasay Facebook Mark Elliot Zuckerberg oo ku dhawaaqay in 99% hantidiisa  uu ugu deeqay samafalka, waxaana hantidaas oo gaareysa 54 Bilyan oo doolar, iyadoo ay maamuleyso shirkad uu isagu leeyahay, taasoo dad badan shaki ka muujiyeen mar haddii hantida aanay gacantiisa ka baxeynin.

    Wakiil bin Talal

    Amiirka reer Sacuudi ee Waliid Bin Dalaal ayaa isna ku jira liiska, isagoo ku tabarucay dhammaan hantidiisa inuu ku deeqo, lacagtiisa waxay gaareysaa 32 Bilyan oo doolar (soddon iyo laba kun oo Milyan doolar). Wuxuuna leeyahay hay;ad samafal oo magaciisa wadata, taasoo uu siiyay in ka badan 3 Bilyan oo doolar, waxaana lacagtaasi loo qeybin doonaa sanado.

    Sheikh Arajhi

    Waxaa kaloo  hantiilayaasha lacagtooda ugu deeqay arrimaha samafalka ka mida maalqabeenka caanka ah ee Sacuudiga laguna magacaabo Sheekh Suleymaan Ibn C/casiis Alraajixi, lacagtiisa waxay gaarysaa 7 Bilyan iyo 400 Milyan oo doolar, wuxuuna kala bar  hantidiisa ugu deeqay samafal, waa ninka aasaasay Bankiga Raajixi oo ah kan ugu weyn bankiyada islaamka, wuxuuna ahaan jiray nin aad faqiir u ah.

    Bil gatesandmelinda

    Waxaa isna liisk ku jira Maalqabeenka caanka ah ee Bil Gates oo hantidiisu gaaryso 94 Bilyan oo doolar, isaga iyo xaaskiisa waxay hantidooda oo dhan ugu deeqeen samafalka, iyadoo caruurtooda aanay waxba ka heli doonin lacagtaasi, isagoo  ugu horeeya dadka lacagaha ku bixiya arrimaha samafalka. Waana ninka ugu horeeya caalamka oo hantidiisa ku deeqa.

    Shiinees

    Maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha Yu Pengnian oo ah 88 jir ka soo bilaabay nolosha meel eber ah, wuxuuna hantidiisa oo gaareysa 2 Bilyan oo doolar ugu deeqay dadka faqiirka ah, arrintaas oo ka yaabisay qoyskiisa.

    abdiazis

    Maalqabeenka kale ee u dhashay dalka Imaaraadka Carabta Cabdallaah Alcasiis ayaa ku jira liiskan hantiilayaasha lacagtooda geliyay samafalka, waxaana saddex meelood meel uu hantidiisa ugu deeqay hay’ad waxbarasho oo samafaleed, hantidiisa waxay gaareysaa 6 Bilyan iyo 400 Milyan oo doolar, waxayna ka dhigan tahay in lacag ka badan 2 Bilyan oo doolar uu ugu deeqay samafal.

    Waxaa kaloo ka mida liiska dadka hantiilayaasha ah ee lacagtooda u wareejiyay arrimaha samafalka Maalqabeenka Gordon Moore oo in ka badan 2 Bilyan oo doolar ku bixiyay arrimaha samafalka.

    Azim Premji

    Waxaa kaloo xusin mudan maalqabeenka reer India Azim Premji oo 8 Bilyan oo doolar u qoondeeyay arrimaha samafalka iyo dadka faqiirka ah. waxayna ka dhigan tahay in kala bar hantidiisa uu ku samafalay.

    Carlos Slim

    Waxaan meesha ka marneyn maalqabeenka reer Mexico ee Carlos Slim oo isna hantidiisa inteeda badan u weeciyay samafal.


    DAAWO VIDEO

    XULASHADA GOOBJOOGE.COM

    Azim Premji Bill Gates Carlos Slim Hantiilayaasha ku deeqay hantidooda Maalqabeenada adduunka Mark Elliot Zuckerberg Shiekh Suleiman Arajhi Walid Bin Talal
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHeshiiskii Galmudug & Kilinka Shanaad oo burbur qarka u saaran [War kasoo baxay Galmudug]
    Next Article Puntland & Baarlamaanka Federaalka oo isku heysta Heshiiskii Doorashada 2016

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo