Nin maanta lagu toogtay albaabka Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa noqday Soomaali ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Ninkan ayay sheegene Booliska Kenya inuu yahay 24 sano jir ah oo ka soo jeeda degaanka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya, laakiin ma sheegin magaciisa.
Saraakiisha FBI-da Mareykanka oo goobta lagu dilay ninkan Soomaaliga ah tagtay ayaa ka qaaday dhiig iyo calaamado kale oo baaritaan dheeraad ah ay ku sameeyaan, waxaana la sheegay inuusan wadan wax telefoon Mobile ah, laakiin laga helay SIM Card-ka Safari.
Wuxuu isku dayay inuu si xoog ah ku galo safaarada Mareykanka, isagoo sarkaal ilaalo ah Mindi uga dhuftay wejiga, intii aan toogasho lagu dilin.
Wadani.com