Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal heysa wiil 13 sano jir ah oo mucjiso ku ah Kubadda Cagta, kaasoo lagu tilmaamay inuu meesha ka saari doono laacibiinta hadda la yaqaano ee Messi iyo Ranaldo.
Wiilkan oo lagu magacaabo Karamoko Dembele wuxuu asalkiisa kasoo jedaa dalka Ivory Cost, wuxuuna ku dhashay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo qoyskiisa ay degeen; kadibna waxay u wareegeen Scotland oo isagoo 5 sano jir ah ay degaan magaalada Glascow, oo hadda uu ka mid yahay ciyaaryahanadda da’da yar ee kooxda Celtic.
Ciyaar dhex martay kooxda da’doodu ka hooseyso 20 jirrada ee Celtic iyo kooxda kale ee Hearts ayaa bedel lagu keenay Karamoko, wuxuuna ciyaar 9 daqiiqo oo kaliya isagoo wacadarro ka dhigay.
Wadani.com