Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inuu shir weyn ka dhici doono Muqdisho.
Shirkan ayuu Xasan Sheekh ku sheegay inuu yahay TALO QARAN oo lagu dejinayo siyaasadda dowladda cusub ee xilka qabaneysa, laguna siinayo taladii ay ku dhaqmi lahaayeen.
Madaxweynaha oo doonaya inuu dibu soo laabto ayaa u muuqda rajo badan ka qabo dibu hanashada xilka madaxweynaha, iyadoo xilligan oo lagu jiro olole doorasho, waqtiguna ciriiri yahay.