Codsigii ugu adkaa ee lagala hortago madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee mar labaad sharxan ayaa waxaa si toos ah looga sheegay Barnaamijka ‘Yaa mudan’ ee Somali Cable TV.
Ugaas Maxamed Weli ayaa Xasan Sheekh si cad ugu sheegay inuu ku fashilmay siyaasadda gudaha, sidaasi darteedna uu musharaxnimad iska casilo. “Xasan Sheekhow waan kuu faataxeynaa, dalkan ma badbaadin kartid ee is casil, meel ayaan ku dejineynaa gabdho ayaan ku siineynaa..”ayuu yiri Ugaaska oo buuq badan ay ku fureen taageerayaasha Xasan Sheekh ee goobta ku sugnaa.