Senator C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa qarxiyey sir ku saabsan dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.
Isagoo ka hadlayey xafladii furitaanka Garoonka oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray dhismaha garoonka Garowe oo muddo 15 sano ah socday.
Faroole ayaa sheegay in dowladii Sheekh Shariif iyo C/weli Gaas ay ku guuldarreysteen inay saxiixaan maalgelinta Kuwait ugu deeqday dhismaha garoonka magaalada Garowe, isagoo sheegay inuu la dhismi lahaa Garoonka Hargeysa, balse ay dib u dhigtay dowladii Sheekh Shariif iyo C/weli, laakiin uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheakh Maxamuud.
HOOS KA DAAWO

![DAAWO: Xildhibaan Faroole oo qarxiyey sir ku saabsan Garoonka Garowe [Dowladii Gaas & Sh. Shariif ayaa joojisay..]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/01/Faroolexamar.jpg)