Xildhibaanada cusub ee maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa caawa lagu dhaariyay Xaflad ka magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle kadib dib u dhac waqi qaatay.
Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa ka qeyb galay xafladda oo la sheegay inuu ka baaqday guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), waxaa kaloo goobta ku sugnaa wakiilo ka socday urur Goboleedka IGAD, maamulka Gobolka Sh/dhexe iyo wasaaradda arrimaha gudaha.
Waxaa la dhaariyay xildhibaano tiradoodu gaareyso 73 oo saddex ka mida ay ahaayeen haween, iyadoo ay harsanaayeen 16 xildhibaan oon weli la soo xulin, maadaama xildhibaanada maamulka cusub ay gaarayaan 89 xildhibaan.
C/raxmaan Odowaa oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada ay la wareegayaan maamulka, iyadoo kadibna dooran doona guddoonkooda 12-ka Bishan.
Wadani.com
Wadani.com