Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) oo tartanka doorashada Afhayeenka Baarlamaanka looga guulaystay maanta ayaa sheegay in tartanka doorashada uu ahaa NIN iyo DOWLAD.
“Haddaan kaftamo waxaan Waxaan leeyahay nin iyo dowlad baa tartamay, nin iyo dowladna ma tartami karaan” ayuu yiri Xildhibaanka oo intaas ku daray inuu leeyahay han siyaasadeed oo isaga iyo taageerayaashiisu ay sii wadi doonaan halganka.
Waxaa si cad u soo shaac baxdau in guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland uu ahaa nin uu wado Madaxweyne Gaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in loo adeegsaday kharash si codad badan loogu helo Axmed Cabdi Xaashi.
DAAWO KAFTANKA SIYAASADEED
Wadani.com