Wererka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Dab xoog leh qabsaday Bakhaaradii Hubka ee xarunta weyn ee Hay’adda NISA, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa dhaliyey qasaare xoog leh sida ay sheegeen xubno ku sugan aagga xarunta ku talalo, waxaana wararku sheegayaan inuu dabka ku dhintay qofka mida askarta NISA.
Qasaarahja Dabka dhaliyey ayaa ah mid culus, wuxuuna baabi’iyey keydkii Hubka iyo Agabka hay’adda NISA oo ah xarun si weyn loo ilaaliyo, lamana oga sabab dhalisay Dabka iyo xaqiiqada qasaaraha uu dhaliyey.
Waa markii ugu horeysay ee uu Dab qabsado xarun ay leedahay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
