Dab xoogan ayaa ka kacay inta u dhexeysa Dekadda caalamiga ah ee Muqdisho iyo Xabsiga dhexe ee Xamar, dabkaas ayaa qabsaday dhismooyin ka mida dekadda Muqdisho uma dhow Xabsiga Dhexe.
Agaasimaha Waaxda dabdamiska dowlada Hoose ee Xamar Cabdulaahi Maxamed Saneey ayaa sheegay inay ku guuleysteen daminta dabka ka kacay inta u dhexeysa dekadda iyo Xabsiga dhexe ee Xamar.
Dabka ayaa sheegay inuu ka dhashay qashin badan oo goobta ku yaalay. Qasaaraha ka dhashay dabka aan ayaan la shaacin marka laga reebo in lagu guuleystay daminta dabkaasi.
Wadani.com