Waxaa goor dhoweyd dab weyn ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Geeska Afrika.
Dabkan ayaa qabsaday qeybta Cabdalla Shideeye, waxaana hadda dabku ka socdaa qeybihii ganacsiga, dukaamadaha iyo goobo u badan kuwa qalabka korontada. Waxaa laga cabsi qabaa inuu dabku ku fido qeybo kale oo ka mida suuqa.
Lama oga waxa sababay dabka, waxaana dadweyne iyo ganacsato ay dadaal ugu jiraan in la damiyo iyadoo gurmad loogu jiro sidii dabkaasi loo xakameyn lahaa.
Xaaldada suuqa ayaa kacsan iyadoo ciidamo suuqa ku sugan ay rasaas ku ridayaan dad isu soo xoomay oo suuqa ku qulqulaya… Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaaacmeen dabkaasi oo midkood oo gubtay, kan kalena uu dabaq iska tuuray.
Suuqa Bakaaraha ayaa dhowr jeer Dab qabsaday iyadoo qasaare weyn ay ka dhasheen, waxaana inta badan dabka dhaliya Korontoda.
Faahfaahinta la soco…