Taliska Ciidanka Booliska ayaa shaaciyey in Muqdisho lagu toogtay dabley isugu jirtay 3 rag iyo haweeney oo doonayey inay khaarijin ku dilaan agaasime ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiyo Xuseemn waxaa maanta Magalada Muqdisho lagu toogtay saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ku dilaan Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdi Gare, xilli uu kasoo baxay salaadii Jimcaha.
“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday: ayay qoraalkeeda ku tiri Gen Zakiya Xuseen oo aan faahfaahin ka bxiin dhacdadan maanta ka dhacday magaalada Muqdisho”
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa dableyda iyo ciidamada ay is rasaaseyn dhexmartay, ciidamaduna ka hortageen falka khaarijinta ah ee ay damacsanaayeen kooxdaasi dableyda ah iyo haweeneyda hubka u siday, sida ay tiri.
Meydadka afarta qof oo ay ku jirto haweeney la sheegay in ciidamada amniga ay raadinayeen in muddo ah oo xubnaha Alshabaab hubka u geysa ayaa la dhigay wadadda, waxaana ka muuqday in madaxa laga wada toogtay.
