Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxyadii Muqdisho aya sheegaya in dabley hubeysan ay gudaha u galeen xarumo wasaaradeed oo ku yaalla degmada Shangani ee magaalada Muqdisho.
Laba Qarax oo is xigay ayaa ayaa lagu weerraray xarumaha Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Howlaha guud oo ku yaalla agagaarka isgoyska Jubba, waxaana sidoo kale ku dhegan Taliska Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.
Rasaas goosgoos ah ayaa laga maqlayaa xarumaha la qarxiyey, waxaana wararku sheegayaan in dabley hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ay gudaha u galeen xaruntaasi, iyadoo ka dhex dagaalamaya.
Waxaa xilligan xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ka socda rasaas ay si weydaarsanayaan dableyda iyo ciidamada amniga, waxaana goobtaasi ay noqotay goob dagaal.
Shaqaalaha wasaaradaha la weeraray xarumahooda ayaa qasaare kala duwan soo gaaray, waxayna qaarkoodka boodeen dabaqa iyo dhismaha wasaaradda si ay uga baxsadeen weerarka Alsahbaab, waxaana qaar ka mida la geeyay isbitaallada iyadoo qaar kale ay ku go’doonsan yihiin.
Kooxda Alshabaab ayaa dhinaceeda sheegatay weerarkan, sida lagu shaaciyey warbaahinta taageerta.


