Faahfaahn dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir, kaasoo ay geysteen dabley Bistoolado ku hubeysan.
Kooxda dableyda ah ayaa toogasho ku dilay Sheekh imaam ka ahaa Masjid oo lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud, waxaana lagu weerarray Gurigiisa hortiisa, kadib markii uu kasoo baxay salaadii Subax oo uu imaam ka ahaa Masjidka Maqaamu Ibraahim ee ku yaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir.
Waxaa dilka kadib goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto, iyadoo markii danbe ay halkaasi gaareen ciidamada Amniga degmada Wadajir.
Ashabaab ayaa sii kordhisay dilalka hubeysan ee ay ka fulineyso magaalada Muqdisho, xilli ciidamada Booiska iyo kuwa aysan ku guuleysan inay ka hortagaan ama ka daba tagaan.