Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Nabadoon ka mid ahaa ergadii soo xushay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Koox dabley ah oo Bistoolado ku hubeysan ayaa degmada Deyniile ee Gobolkan Banaadir mant ku toogtay Nabadoon Macallin Cabdi Siyaad Geedi ooa xilliga la weerarray ku sugnaa Suuqa Ariga ee Xaafada Raadeelka Deyniile.
Dableyda dilka geysatay ayaa gobta ka baxsatay markii ay toogteen Nabadoonka, waxaana muddo kadib halkaasi tegay ciidamada Amniga oo aan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxdaasi oo ka koobnaa laba dhalinyaro ah.
Meydka Nabadoonka ayaa laa geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista Boolisks ee CID-da, wuxuuna dilkan kusoo beegmay iyadoo ay xiisad ka dhalatay doorashada ka jirto caasimadda.
