Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar qasaare dhaliyey ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo ku sugnaa degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeynley, waxaana laba nin oo bistoolado ku hubeysanaa ay rasaas ku fureen laba askari oo midi yahay ciidamada Minishiibiyada, halka kan kalena uu ahaa Milateri oo wada socday, waxaana goobta ku dhintay askarigii milateriga ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Dinaxow Muxyadin, iyadoo uu baxsay askarigii kale.
Rasaasta dableyda hubeysan ayaa sidoo kale dhaawacday darawal Mooto Bajaaj oo goobta ku sugnaa xilligaasi, waxayna goobta ka baxsadeen intii aysan soo gaarin ciidamada amniga degmada.