Koox dabley ah ayaa caawa weerar ku qaaday hotel ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhacay.
Wararka laga helayo Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in caawa halkaasi uu ka dhacay weerarkan koox dabley oo ku lebisan dareyska Ciidamada dowladda ku qaadeen Hotel Golden ee ku yaalla Isgoyska Suuq-bacaad ee Degmada Yaaqshiid.
Laba ka mida ilaalada hotelka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay mid kale, iyadoo qoryihii ilaalada ay qaateen kooxda weerarka ku qaaday Hotelka.
Xaaladda ayaa noqotay mid kacsan, waxaana la sheegay in mar danbe ay goobta gaareen ciidamada ammaanka oo halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano.
Lama oga ujeedka kooxda weerarka ku qaaday Hotelka iyo sababta keentay weerarka, wuxuuna ahaa weerar nooc cusub ah.
Wadani.com