Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ciidamada Booliska magaaladaasi oo uu hoggaaminayey taliyaha booliska degmada Baydhabo ay Caawa qabteen dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab.
Wararka ayaa sheegay in magaalada Baydhaba lagu qabtay laba nin oo ka tirsan Ururka Alshabaab, kuwasoo sitay bistoolado, kadib howlgal ay ciidamada Booliska sameeyeen, markii ay u dhaceen guri ku yaalla xaafada Horseed ee magaalada Baydhabo.
Taliyaha booliska Baydhabo ayaa sheegay inay maleegayeen falal amni darro, wuxuuna intaas ku daray in xog laga helay dadka shacabka ah ay keentay in gacanta lagu soo dhigo dableydan.
Shalay ayey ahayd markii laba qarax oo ismiidaamin ah ku weeraray Laba Baar oo ku yaalla magaalada Baydhabo, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.