Wararka laga helayo magaalada Muqidshi ayaa sheegaya in fal toogasho khaarijin ah uu galabta ka dhacay magaalada.
Koox bistoolado ku hubeysnaa ayaa degmada Dharkeynley, gaar ahaan Jiirada Macalin Nuur ku toogtay askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka, kaasoo u dhintay rasaastii lagu furay.
Askarigan ayaa la sheegay inuu ilaalo ka aha Kaalin shidaal oo ku taalla agagaarka Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley, kuna lahaa ganacsi, waxaana gaadmo ku khaarijiyay dabley aan la aqoonsan.
Ciidamada ammaanka oo goor danbe tegay goobta falku ka dhacay ayaan ku guuleysan inay helaan dadkii ka danbeeyay dilka askariga.
Alshabaab ayaa inta badan sheegtay dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada iyadoo muddooyinkii dambe ay sii kordhiyeen falalka dilalka ah ee lagu kacayo shacabka, askarta iyo mas’uuliyiinta.