Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dacwad ku saabsan Ciraaqiyiin loo diiday inay galaan Mareykanka oo lagu soo oogay Donald Trump

    Dacwad ku saabsan Ciraaqiyiin loo diiday inay galaan Mareykanka oo lagu soo oogay Donald Trump

    January 28, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qareenada ay qabsadeen laba muwaadin oo u dhashay dalka Ciraaq kuwaasoo laga qabtay Garoonka magaalada New York kadibna la xiray ayaa dacwad ku soo oogay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.

    Labada qof ee reer Ciraaq ayaa heystay dal-kugal (Vissa) Mareykan ah, waxayna xiriir wadasahqeyn la lahaayeen ciidamada Mareykanka, laakiin  waxaa Jimcihii lagu lagu xiray garoonka NewYork markii ay ka degeen iyadoo lagu fuliyay amarkii Trump ee Mareykanka looga mamnuucay dadka ka soo jeeda 7 dal oo muslim ah.

    Dacwadan ayaa ah tii ugu horeysay ee sharci ahaan loogu soo oogo wareegtooyinka muranka badan dhaliyay ee Donald Trump soo saaray markii uu xilka la wareegay.

    Labada nin ee Ciraaq u dhashay waxaa sharci ahaan loo ogolaa inay Mareykanka geli karaan, waxaana lagu qabtay wareegtadii Trump. Mid kamida raggan oo lagu magacaabo Xamiid Khaalid Darwiish oo ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ku sugnaa u ahaa tarjume ayaa laga sii daayay xabsiga sabtidii maanta, wuxuuna sheegay in Mareykanka uu yahay dal weyn iyo dalkii xoriyada, balse aanu ogeyn waxa dhacaya.

    Ninka kale oo lagu magacaabo Xeydar Samiir Abdulkhaleq Alshawi, ayaa weli xabsi ku jira, iyadoo dadaal weyn loogu jiro in la sii daayo, waxaase loo diiday qareenada u dooday ninkan inay booqdaan.

    Dacwadda waxaa soo oogay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Mareykanka, waxaana labada ninba fiisaha siisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Qareenada u doodaya labada nin ayaa sheegay in la xiro dad heysta dal kugal inay tahay sharci darro.

    Qoraalka dacwada ah ee lagu oogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo xigtay in wareegtada Turmp ay xadgudub ku tahay xuquuqda dadka ee ku cad Dastuurka Mareykanka.

    Arrintan ayaa ka mida doodaha iyo qeylo dhaanta uu dhaliyay madaxweynaha Donald Trump oo ku cusub aqalka Mareykanka.

    Wadani.com

    Donald Trump Trump executive order US US airports
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGanacsade caan ah oo caawa lagu dilay Magaalada Beledweyne, Gobolka Hiiraan
    Next Article Musharax cusub oo ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya [Waa kuma..?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo